Ciidamada oo horumar ka sameynaya dagaalka Gobolka Hiiraan
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa Gobolka Hiiraan kula dagaalamaya maleeshiyada Al Shabaab, iyadoona hawlgalka ay ciidamadu wadaan uu galay maalintii lixaad.
Taliska Militariga Somaliya ayaa riixaya hawlgalkan oo la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro dhulka ay kaga harsan yihiin qaybta bari ee Webiga Shabelle.
Ciidamada ayaa waxaa hawlgalka ka taageeraya Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya. Militariga Jabuuti oo wata madaafiicda goobta ayaa Khamiistii iyo Jimcihii si weyn u garaacay aagagga Shabaabka.
Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa mararka qaarkood dhanka hawada ka duqaynaya maleeshiyadaasi, oo intii uu hawlgalku socday laga saaray goobo ay horey ugu sugnaayeen.
Ciidamada oo maalmihii ugu dambeysay Shabaabka kula dagaalamayay dhulka hawdka ee Beera-yabaal illaa Jicibow ayaa waxay hadda ku sii siqayaan deegaanka Jicibow.
Ciidamada kuwooda ku soo socdo waddada laamiga mooyee ee kuwooda kale ee gudaha ugu jira dhulka hawdka ayaa la arkayay, iyagoo socod ku soo maraya goobo la gubay. Xoogaga Macawiisleyda ee dhulka kala garanaya ayaa horkacaya ciidamada kulaalaya deegaanka Jicibow.
Jicibow ayaa saaran dhinaca bari ee webiga, waxaadna arkaysaa in ololaha militari ee laga wado webiga jiinkiisa uu ku fidayo deegaankaasi. Saraakiil Shabaab ah oo magacyadooda aan la sheegin ayaa mar sii horreysay la sheegay in ay u tallaabeen daanta galbeed ee webiga amaba galbeedka Gobolka Hiiraan.
Jicibow oo hoostagta Degmada Buuloburde ayaa hadda gashay marxalad dagaal, iyadoona ay baqdin soo food saartay dadka halkaasi degan.
Xafiisyadii Al Shabaab ee deegaanka ayaa ah kuwo aan shaqeynayn, bacdamaa ay banneeyeen masuuliyiintii ka hawlgaleysay iyo ilaaladoodii.
Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in maleeshiyada Xisbada ee sida booliska oo kale u tababaran ay ku sugan yihiin deegaankaasi.
Saraakiisha Militariga ayaase sheegaya in firxadka Shabaabka ay isugu tagayaan Jicibow, halkaas oo ay sheegeen inaanan looga hari doonin.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabku ay weli ka dagaalamayaan dhufeysyo ay ka sameysteen afaafka hore ee deegaankaasi, iyagoona isku dayaya in ay difaacdaan gacan ku haynta deegaankaasi.
Iyadoo ciidamadu ay ku sii dhawaanayaan Jicibow ayaa la filayaa in Militariga Jabuuti ay Sabtidan mar kale garaacaan difaacyada hore ee ay Shabaabku ku leeyihiin bannaanada deegaankaasi.
Taliyaha Guutada 26aad ee Cali Bin Abii Daalib, G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa sheegay in ciidamadu ay kubaareeyeen Jicibow, isla-markaana ay la wareegi doonaan.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay furimaha hore ayaa sheegay in Shabaabku aanay lahayn itaal badan, waana la soo afjarayaa buu yiri mar dhow, haddii Ilaahay yiraahdo.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye oo wax ka hoggaaminaya hawlgalka ayaa ku celiyay in dagaalku aanu joogsan doonin, iyadoo aan Shabaab laga adkaan.