Ciidamada oo is bedel ka sameynaya furimaha dagaalka ee Gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka ka qayb qaadanaya ayaa si aan horey looga baran uga hawlgalaya deegaanada dhaca Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada oo si dhameystiran weerar ugu ah Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa isku fidinaya waddooyinka tagga magaalooyinkaasi iyo kuwa kale ee dhinacyada ka mara ee dhaca deegaanada miyiga iyo hawdka.

Ciidamada ayaa si garbo siman maleeshiyada Al Shabaab uga saaraya goob kasta oo la tuhunsan yahay in ay dib iska soo abaabuli karaan.

Ciidamada ayaa la sheegaya in ay foodda gelinayaan kaymaha iyo dhulka kale ee lama deggaanka ah, iyadoona ay Shabaabku u muuqdaan kuwo isugu biyo shubanaya Galhareeri iyo Ceelbuur.

Tani ayaa looga gol leeyahay inaanay mustaqbalka caqabad amni ku noqon magaalooyinka iyo deegaanada istiraatiijiga ah ee maleeshiyada laga saarayo, waana qorshaha dagaal ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sheegayo mid ay muddo dheer amni iyo xasillooni ku helayaan magaalooyinkaasi.

Shabaabka ayaa muddo dheer isticmaalayay qorshe dagaal oo magaalooyinka iyo deegaanada loogu soo banneynayo ciidamada ku wajahan, ka dibna ay dib ka go'doomiyaan ciidamada la wareegay magaalooyinka, weerar jidgal ahna ay kula beegsadaan waddooyinka gala magaalooyinka iyo deegaanada, taas oo hadda u muuqato mid uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dersi ka bartay.

Is bedelka ay haatan sameynayaan ciidamada ayaa ah, iyagoo barro ka sameysanaya dhul ay muddo fog ka arrimineysay Al Shabaab. 

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay durbaba dareemeen in qorshahan cusub ee la dagaalankooda lagu wajahayo uu caqabad ku yahay joogitaankoodii Gobolada Dhexe.

Dowladihii isaga kala dambeeyay dalka ayaa muddo dheer lagu dhalleeceynayay inaanay qorsheyaal dhab ah ka lahayn goobha la xoreeyo, marka aad eegto culeyska weyn ee ay maleeshiyada Al Shabaab dib ka soo saarayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku hanjabay in dowladdiisu ay si dhab ah u wiiqi doonto Shabaabka, oo muddo dheer dalka ka dagaalamayay.