Ciidamada oo isku fidinaya deegaanada ku dhow dhow Degmada Jamaame

Militariga Somaliya iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa gudaha ugu jira deegaanada qaar ee dhaca jiinka Webiga Jubba, isla-markaana hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ay qaarkood haatan hawlgal sifayn ah ka wadaan deegaano ay ka mid yihiin Maana Moofo, Mugaanbow iyo qaybo ka mid ah deegaanka Koban.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay gadaal ka taagan yihiin ciidamo kale oo ku sugan dhulka u dhaxeeya deegaanada Yoontooy iyo Baar Sanguuni ee ku yaala webiga jiinkiisa.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan ay xagga cirka ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah.
Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in illaa Arbacadii ay kordheen dhaqdhaqaaqyada ay ciidamadu ka sameynayaan dhulka hawdka ee ku teedsan qaybaha bari ee webiga.
Deegaanka Koban oo kale oo Shabaabku ay ka difaacaan magaalada ayaa waxaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ka dhacay duqaymo lagu beegsanayay bartilmaameedyada ay maleeshiyada Shabaabka ku leeyihiin deegaankaasi.
Taliyaha Qaybta 43aad ee Militariga Somaliya, Korneyl Nuur Mahad Xasan ayaa laga soo xigtay in uu sii xoogeysanayo hawlgalka ay ciidamadu ku xoreynayaan Degmada Jamaame.
Dhanka kale dadka rayidka ah ayaa ka barakacaya deegaanada hoostaga Degmada Jamaame oo ay ku jirto Koban, iyagoona badbaado u soo raadsanaya deegaanka Qaamqaam.
Deegaankan ayaa 20km jihada waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna ka mid yahay deegaanada laga ilaaliyo amniga magaaladaasi.
Shacabka ka barakacaya agagaarka Jamaame ayaa ka cabsi inay saameeyaan iska horimaadyada iyo duqaymaha cirka ee sii kordhaya.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa juhdi badani ku bixineyso, sidii markan Shabaabka looga kicin lahaa Jamaame, ka dib 17 sano oo ay ka arriminayeen.
Gulufkan dagaal ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee ay Jubbaland ku qaaddo Shabaabka Jamaame, kuwaas oo mar keliya aan xitaa magaaladan laga saarin, tan iyo sanadkii 2008.


