Ciidamada oo ku daba jooga ragga baxsadka ee odayga ku gubay Wanlaweyn

Ciidamada Qalabka Sida ayaa wada hawlgal ay ku baadigoobayaan rag baxsad ah, kuwaas oo ku eedeysan in ay qayb ka ahaayeen dilkii naxdinta lahaa ee 7-dii bishan marxuum Isxaaq Daa’uud Maxamed loogu gaystay tuulada Dudumaaye oo hoostagta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Raggan oo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa loo haystaa in ay dab qabad siiyeen marxuumka, ka dib markii ay si xun u jirdileen.

Ciidamada ayaa 10-kii bishan gacanta ku soo dhigay saddex ka mid ah eedeysaneyaasha, iyagoona daba jooga xubnihii kale ee falkaasi ku lugta lahaa, sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax).

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hawlgalka ka wadaan deegaanada hoostaga Degmada Wanlaweyn, iyadoona Gudoomiye Najax uu ballanqaaday in dembiileyaashu aysan wax gabaad ahi heli doonin.

Hawlgalkan ayaa waxaa iska kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Booliska Degmada Wanlaweyn.

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Militariga ayaa Talaadadii gaaray degmadaasi, si ay laamaha amniga uga la shaqeeyaan uruurinta xogaha ragga baxsadka ah, si hadda iyo hadhowba loogu maxkamadeeyo falkaasi.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi oo hoggaaminaya saraakiishaasi ayaa riixaya in la dardargeliyo hawlgalka la doonayo in lagu soo xiro raggaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay amar buuxa u haystaan in nolol ama geeri ay mid uun ku keenaan raggaasi, isla-markaana ay ugu taggaan god kasta oo ay ku dhuumanayaan.

Raggan ayaa lagu sheegay dembiileyaal arxan daran, isla-markaana ay marxuumka oo muddo dheer dhimirka ka xanuunsanaa ay u dileen aano qabiil.

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa Khamiistii cambaareeyay dhacdooyinka soo badanaya ee lagu beegsanayo dadka maxasta ah ee leh haweenka, carruurta iyo ciroolaha.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hay'adaha ammaanka ku amartay in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelata falalkaasi xadgudubka ah.

Maxkamadda Militariga ayaa toddobaadkii hore laga dalbaday inay maxkamadeyso eedeysaneyaasha gaystay dilka bulshada ka argagaxiyay ee ka dhacay tuulada Dudumaaye ee ka tirsan Wanlaweyn.

Ibraahim Aadan Cali, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay in Maxkamadda Ciidamada ay la wareegtay kiiskan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan la aqbali karin falkan foosha xun, isla-markaana ay xaqiijinayaan in dembigaasi oo kale uusan mar kale dhicin, sida uu yiri.

Dhacdadan ayaa dhalisay carro baahsan, waana tan keeneysa in tallaabo adag la qaado.