Ciidamada oo ku sii siqaya xuduudda Gobolada Jubbooyinka

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa weli dagaal adag kula jira maleeshiyada Al Shabaab, iyadoona hawlgalka Gobolka Jubbada Hoose uu maanta galay toddobaadkiisii saddexaad.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wadaan dhulka hawdka ee ku xeeran deegaanada Harboole, Dhasheeg Waamo iyo Miido.
Ciidamada ayaa hawlgal dhul iyo cir ah ku beegsanaya deegaanada hoostaga Degmada Afmadow iyo qaar ka mid ah deegaanada kale ee hoostaga Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Hawlgalka dhulka ayaa waxaa barbar socda duqaymo dhanka cirka ah, oo looga gol leeyahay in Shabaabka looga kiciyo goobaha ay dhufeysyada ku leeyihiin.
Hawlgalkan oo si xowli ah ku socda ayaa Shabaabka lagaga sifeynayaa dhulka hawdka, waxaana lagu burburiyay saldhigyo iyo godad ay ku dhuumaaleysanayeen.
Dhanka kale Ciidamada Militariga iyo Daraawiishta Jubbaland oo ay horkacayaan Kumaandooska Danab ayaa ku sii guurguuranaya xuduudda Gobolada Jubbooyinka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku dhow yihiin deegaanka Qalaawilaha, oo ah deegaan istiraatiiji ah, isla-markaana isku xira Afmadow iyo Jilib oo ka kala tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Deegaanka Qalaawilaha oo sidoo kale loo yaqaano (Isgoyska Qalaawilaha) ayaa waxaa mara waddooyinka ka baxa, isla-markaana gala Degmada Jilib, waana marin muhiim u ah isu socodka Labada Jubba.
Qalaawilaha ayaa xiriiriya deegaanada u dhaxeeya Jilib iyo deegaanka Janaay Cabdalle oo hoostaga Afmadow, iyadoo Janaay Cabdalle uu kala qaybiyo Afmadow iyo Kismaayo.
Wasiirka Amniga Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, General Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayaa ciidamada siiyay amar ah inay hore u socdaan mooyee aanay dib u soo laaban karin.
Saraakiisha hoggaamineysa hawlgalkan ayaa sheegaya in uu hadafkoodu yahay inay xoreeyaan Magaalada Bu'aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe. Gobolkan ayaa ah kan keliya ee dalka ee ay Shabaabku gacanta ku wada hayaan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hawlgalkan kala socda Magaalada Kismaayo, waxaana si joogta ah warbixin looga siiyaa halka uu marayo.
Ciidamo cusub oo 14-kii bishan tababar loogu soo xiray Kismaayo ayaa dhiig cusub ku shubay hawlgalkan.


