Ciidamada oo kulaalaya difaaca bari ee Shabaabka Ceelbuur

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa ku sii siqaaya deegaanka Ceelgaras ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay Ceelgaras ku leeyihiin difaacooda bari, ee ay doonayaan in ay ka difaacdaan Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada oo labadii habeen ee ugu dambeysay ku hoyday deegaanka Bulacle ayaa saaka hawlgal ka wada waddada u dhaxeyso Bulacle iyo Ceelgaras.

Taliyaha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) ayaa horkacaya ciidamada dhanka bari kaga sii siqaaya Ceelbuur, waxaana hawlgalka ku wehlinaya masuuliyiin ay ka mid yihiin Duqa Magaalada Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) iyo Senator Cabdixakiin Macalin Axmed, oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Galmudug.

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa sheegay in qorshaha socdo uu yahay, sidii maleeshiyada Shabaabka looga saari lahaa dhulka ay kaga harsan yihiin Galmudug.

"Abaabulka iyo qorshaha socda waxaa weeyaan, waa qorshe ka dhan ah cadowga iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa, gaar ahaan Galmudug meel walboo ay ka joogaan." Ayuu yiri Senator Cabdixakiin Macalin.

Waxa kaloo uu sheegay in ciidanku ay si taxadar leh ugu socdaan goobaha la doonayo in laga saaro Al Shabaab.

Senator Cabdixakiin oo Warbaahinta kula hadlay jiidda hore ayaa Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ku ammaanay in ay hubka u sitaan, sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen kooxaha argagixisada.

General Laba Afle ayaa si feejigan ciidamada ugu hoggaaminaya gulufka ku wajahan Ceelgaras, iyadoo la kala jarayo gurmadkii Shabaabka Ceelbuur iyo Xiindheere.

Ciidamada ayaa la filayaa in Ceelgaras ay uga sii gudbaan dhanka Ceelbuur, halkaas oo Shabaabku ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe.