Ciidamada oo la sheegay inay gaareen deegaano hor leh oo hoostaga Degmada Maxaas

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli si taxadar leh ugu sii siqaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, si degmadaasi looga saaro maleeshiyada Al Shabaab.

Maxaas oo ah degmo istiraatiiji ah oo dhacda bariga Gobolka Hiiraan, isla-markaana ku taala xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayay Shabaabku qabsadeen 27-kii bishii July, ka dib weerar ballaaran oo ay ku qaadeen.

Taliska Kumaandooska Danab ayaa Sabtidan sheegay in Xoogaga Danab iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka ay gaareen deegaano hoostaga Degmada Maxaas, isla-markaana ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

"Hawlgalka ayaa si qorsheysan oo istiraatiiji ah uga dhacay deegaanada kala ah Isgoyska Cismaan Indhoole, Qoryo-qaad, Ganarubad, Ina Baale, Cadiimo, Hamiino iyo Lixley." Ayuu Taliska Danab ku sheegay war uu soo saaray.

"Ciidamada ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta goobahaasi, iyagoo xaqiijiyay amniga, isla-markaana bilaabay hawlgalo baaris iyo sifayn ah oo lagu ciribtirayo haraadiga argagixisada ku dhuumaaleysan kara deegaanka." Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray "Ujeeddada hawlgalka ayaa ahayd in la xoreeyo deegaanada ay cadowgu ku dhibaateynayeen shacabka, laguna soo celiyo maamul iyo amni buuxa oo ay si wadajir ah u sugaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka deegaanka."

Taliska Danab ayaa u mahadceliyay bulshada Degmada Maxaas, kuwaas oo talisku uu ku amaanay inay ciidamada la shaqeeyeen, kuna booriyay inay sii wadaan is garabtaagooda ciidamada.

Hawlgalkan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya xoogag ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley, oo iyagu Ciidamada Militariga ka gacan siiya la dagaalanka Al Shabaab.