Ciidamada oo sanado ka dib ku laabtay Deynuunaay oo hoostagta Baydhabo

Militariga Somaliya ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay maanta dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay.
Deynuunaay oo hoostagta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa qiyaastii 26km dhanka bari kaga beegan Baydhabo.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa laba sano horteed la wareegtay deegaankaasi, iyadoo wixii ka dambeeyayna aanay ciidamadu dib ula wareegin deegaankaasi, inkastoo dhowr jeer ay hawlgalo u aadeen.
Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Deynuunaay ay dib ugu soo laabatay gacanta ciidamada.
Taliska ayaa wuxuu sheegay in Ciidanka Guutada 8aad ee ka tirsan Qaybta 60aad ay maanta la wareegeen deegaankaasi, oo ay ku sugnaayeen baa warka lagu yiri maleeshiyada Al Shabaab.
"Hawlgalkan gaarka ahaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 8aad ee Qaybta 60aad CXDS, Gaashaanle Xasan Cali Sanweyne." Ayaa lagu yiri warka.
Ciidamada ayaa muddo dheer xero laga ilaaliyo amniga Baydhabo ku lahaa Deynuunaay, iyaga oo soo banneeyay daba-yaaqadii bishii December ee sanadkii 2022, ka dib weerarkii ay ku soo qaadeen Shabaabka.
Shabaabka ayaa si joogta ah weeraro uga gaysanayay Deynuunaay, muddadii ay ciidamadu ku sugnaayeen, iyaga oo u arka in ay tahay goob istiraatiiji ah, waxaana xusid mudan in ciidamada marar kala duwan weerar looga soo saaray deegaankaasi.
Hadda, haddiiba ciidamadu ay si buuxda dib ugu la wareegeen deegaankaasi, waxaa la isweydiinayaa inay ku sii nagaan doonaan iyo in kale.