Ciidamada oo Shabaabka Galmudug ka saaray deegaan muhiim ah

Ciidamada Ilaalo Shacab ee Gobolka Galgaduud oo garabsanaya Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, gaar ahaan Xerta Degmada Baxdo ee u abaabulan la dagaalanka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Axaddii la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xiin Labi (Xinlabi) ee Gobolka Mudug.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka soo ruqaansaday Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud, iyagoona ka gudbay xuduudda labada gobol, ka hor inta aysan gudaha u gelin Xinlabi.

Xinlabi ayaa muhiim u ahayd Shabaabka, marka aad eegto in istiraatiijiyad ahaan ay ka ilaalinayeen amniga deegaanada ay ka haystaan koonfurta Gobolka Mudug, sida Qodqod, Cammaara iyo Caad.

Axmed Salaad Sheekh Cabdullaahi Warsame oo ka mid ah Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada la wareegay deegaankaasi ayaa sheegay in Shabaabku aanay dib dambe ugu soo laaban doonin deegaanka, isagoo daba jooga sidii dhacday sanadkii 2024.

Ciidamada Militariga iyo Daraawiishta Galmudug ayaa bishii September ee sanadkii 2023 Al Shabaab ka saaray deegaankaasi, inkastoo ciidamadu ay dib uga soo baxeen bishii March ee sanadkii xigay ee 2024, taas oo keentay in Al Shabaab ay dib u qabsato Xinlabi.

Axmed Salaad Sheekh ayaa sheegay in ay wadaan hawlgal ay Shabaabka uga saarayaan deegaanada kale ee ay kaga harsan yihiin Galmudug.

"Waxaan rajo ka qabnaa dhulka ay Galmudug kaga harsan yihiin inaan nafta xaraarkeeda dhaafin doono, haddii uu Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Axmed Salaad Sheekh oo intaasi ku daray "Waxaan wakiil ka nahay Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka oo aan hoostagno labadaba, amni ahaan, cudud ahaan, niyad ahaan iyo taageeraba."

Axmed Salaad Sheekh oo Warbaahinta kula hadlay Xinlabi ayaa sheegay in ay sii joogi doonaan jiidda hore.

"Waxaan rajo ka qabnaa, haddii Ilaahay yiraahdo inaan ku sii sugnaan doono furimaha hore ee cadowga uu dadka ku naafeynayay." Ayuu yiri Axmed Salaad Sheekh.

Qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxay ciidamadu ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ay tahay in ay uga hortaggaan isku dayada ay Shabaabku khatarta ku gelin karaan xasilloonida Galmudug, xilliga doorashada.

Ciidamada ayaa waxaa suurtagal ah in labada toddobaad ee soo socda ay sii xoojiyaan hawlgaladooda, si ay u xakameeyaan weerarada ka iman kara dhinaca Al Shabaab.

Shabaabka ayaa ah caqabadda koowaad ee dhinaca amniga ee khatar gelin kara xasilloonida Galmudug, xilliga doorashada.

Galmudug ayaa waxaa ka socda diyaargarow ku aaddan Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo midda Golaha Wakiilada oo lagu wado in la qabto 25-ka bishan.

Dad gaaraya 215,860 qof ayaa isku diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan maalinta doorashada, si ay u soo doortaan Xubnaha Golaha Deegaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.