Ciidamada oo soo banneeyay Aboorey iyo walaac ka dhashay

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay dib uga soo gurteen deegaanka Aboorey ee bariga gobolkaasi, iyagoo aan xaqiijin hadafkoodii ay u weerareen deegaankaasi.

Ciidamada ayaa 8-dii bishan weerar culus ku qaaday maleeshiyada Al Shabaab oo 6-dii bishan soo gashay deegaankaasi oo laba sano horteed laga saaray, iyadoona ciidamada ay sideeddii maalmood ee u dambeysay ay maleeshiyada kula dagaalamayeen deegaankaasi.

Ciidamada ayaa haatan dib u soo banneeyay deegaankaasi, iyadoo ay xaafad qura ku go'doonsanaayeen Shabaabka, xaalad hubinti la'aan ahna ay wajahayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay Jimcihii codsadeen waddo ay uga baxaan deegaanka, iyagoo adeegsanaya odayaal deegaanka ah, balse ay Saraakiisha Militariga Somaliya ka diideen, taasi bedelkeedana ay u jeediyeen in ay isa soo dhiibaan.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabku ay haatan ka soo baxeen go'dadkii ay ku uruursanaayeen, tan iyo Khamiistii, isla-markaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaankaasi.

Ma jirto cid si sax ah u sheegi karta baahida keentay in ciidamadu ay ka soo qalab qaataan deegaankaasi, marka laga soo tago warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Al Shabaab ay gurmad illaa kun nin ah u soo dirtay deegaankaasi, iyagoo doomo kaga soo gudbaya deegaanka Jicibow ee dhaca jiinka Webiga Shabelle.

Jicibow waxaa la ogyahay in ay tahay marin weyn oo Al Shabaab ay u adeegsato goob ay isaga kala gudbiso maleeshiyadeeda u kala tallaabeysa bariga iyo galbeedka Gobolka Hiiraan, iyadoo isticmaaleysa Webiga Shabelle oo deegaankaasi uu dhinac ka maro.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa bishii February culeys weyn saaray Jicibow, inkastoo ay hakiyeen weerarkii ay ku hayeen, sababtoo ah waxaa saamayn ku yeeshay weeraradii is ballaarinta ee ay Shabaabku 20-kii February ka bilaabeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka toddobaadkii hore soo galay Aboorey ayaa la ogyahay in ay ka soo gudbeen Jicibow, iyagoo soo maraya hawdka deegaanka Beera-yabaal ee ku dhow Aboorey.

Shabaabka ayaa Aboorey u yimid, sidii ay uga sii gudbi lahaayeen deegaanka deriska la ah ee Yasooman, iyadoo ay ujeedadoodu tahay in ay la wareegaan waddada Yasooman ku xiriirisa Moqokori illaa Maxaas, taas oo dhinaca kalena u furan Dac, Wabxo iyo Ceelbuur oo Gobolka Galgaduud ah.

Shabaabka ayaa la sheegaya in ay raadinayaan marin ay saadka u marsiin karaan maleeshiyadooda ku sugan Galmudug, haddii loo baahdana ay ugu soo gurman karaan kuwooda ku sugan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Ka soo bixitaanka ciidamada ee Aboorey ayaa dhalisay walaac xoog leh, waxayna dadku ka baqdin qabaan in Shabaabku ay ku soo fidaan dhulka buuraleyda ee dhaca Yasooman. Haddii Shabaabku ay halkaasi soo gaaraan waxaa cad in si dhib badan looga saari doono, sidii dhacdayba ku dhawaad saddex sano ka hor.

Dad badan ayay la yaab ku noqotay in ciidamadu ay si fudud uga soo baxaan deegaankaasi oo ku yaala meel istiraatiiji ah, iyadoo weliba ay hoos qaris ku jireen Shabaabkii ay ku ciriiriyeen, qarkana u saarnaa in ay soo afjaraan, marka aad eegto in mar kasta oo dagaalka uu sii socdo uu saadka iyo sahayda ka sii dhammaanayo maleeshiyada. Tani ayaa waxay hal bacaad lagu dhisay ka dhigeysaa dadaalkii weynaa ee ay ku xasillinayeen deegaankaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa iminka difaac cusub ka sameystay waddada u dhaxeyso Aboorey iyo Yasooman, iyagoo kaabaya ciidamadii kale ee 9-kii bishan la soo dhigay afaafka hore ee Yasooman, si Shabaabka looga ilaaliyo buuraha halkaasi ku yaala.

Sidoo kale ciidamada ayaa waxaa lagu arkayaa waddada laamiga ee isku xirto Magaalooyinka Buuloburde iyo Halgan ee tagta illaa Beledweyne.

Qabsashada Al Shabaab ee Aboorey ayaa guuldarro kaloo istiraatiijiyadeed ku ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna halis ku tahay in maleeshiyadu ay jarto isu socodka waddada laamiga ee xiriirisa min Buuloburde, Halgan illaa Beledweyne, isla-markaana ay go'doomiso Magaalada Buuloburde.

Haddii Al Shabaab ay u suurtagasho inay ku soo fiddo Yasooman ayaa waxay kala dhantaali doontaa qorshaha dagaal ee muddooyinkanba la diyaarinayay ee yoolkiisu uu ahaa in mustaqbalka dhow lagaga saaro labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug.