Ciidamada oo soo xiray saddex nin oo ku eedeysan dil ka dhacay Muqdisho

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay saddex nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo ku eedeysan in ay xalay nin dhallinyaro ahaa ku dileen Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Raggan ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan, sida lagu sheegay war uu caawa soo saaray Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.
Warka ayaa lagu sheegay in ay toorey u adeegsadeen dilka ay ku eedeysan yihiin in ay u gaysteen marxuum Shaafi Guuleed Yuusuf.
Sawirrada eedeysaneyaasha ayaa lagu baahiyay barta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ee Facebook, inkastoo aan lala soo bandhigin tooreyda la sheegay in ay wax ku dileen.
Taliska ayaa warka ku sheegay in eedeysaneyaasha la horgayn doono maxkamadda awoodda u leh falka ay ku eedeysan yihiin.
"Eedaysaneyaasha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliska, waxaana loo gudbin doonnaa maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loogu waafajiyo." Ayaa lagu yiri warka.
Ma cadda sababta ay ninka dhallinyarada ah u dileen iyo haddii ay ka tirsan yihiin kooxaha burcadda ah ee xilliyada habeenkii mararka qaarkood dadka ku baarta magaalada.


