Ciidamada oo toogtay nin laba askari ku dilay Degmada Buurhakaba

Wararka ka imaanaya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay Sabtidii degmadaasi ku toogteen nin dilay laba askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ninkan ayaa habeenkii Khamiista labada askari ku toogtay bartamaha magaalada, iyadoona ay u suurtagashay in dilka ka dib uu ka baxsado goobtii uu askartaasi ku dilay, isagoona horey u sii qabtay hubkooda.
Ciidamada oo shalay ogaaday in Isaaq Ismaaciil Isaaq uu ku dhuumaaleysanayo buurta magaalada dusheeda ayaa hareeray goobtii uu ku sugnaa, iyadoona la sheegay inay ugu baaqeen in uu isu soo dhiibo, balse uu iska caabin kala horyimid, taas oo keentay in gacantooda uu ku baxo.
Wararka ayaa sheegaya in ninkani uu saddexdii bilood ee ugu dambeysay ka tirsanaa Ciidamada Madaniga Buurhabaka ee qaabilsan amniga magaaladaasi.
Ma cadda sababta uu u dilay labadaasi askari. Saraakiisha ayaana laga soo xigtay in saddexduba ay ehel ahaayeen.
Askarta uu dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xasan Cabdi Buulle iyo Maxamed Xaaji Madnuur.
Isaaq Ismaaciil ayaa muddo dheer ku noollaa deegaanka Buur Eyle ee gobolkaasi oo Al Shabaab ay ka arrimiso, ka hor intii aanu sanadkan iman Buurhakaba.


