Ciidamada oo toogtay nin miino ku aasayay duleedka Magaalada Muqdisho
Ciidamada amniga ayaa maanta toogasho ku dilay nin dhallinyaro ahaa, kaas oo sida la sheegay miino ku aasayay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.
War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada oo hawlgal amni xaqiijin ah ku guda jira ay arkayn nin miino ku aasaya waddada dhinaceeda, isla-markaana ay toogteen.
"Ciidanka oo hawgal ku jira ayaa la kulmay dharqabe rabay in uu waddada dhinaceeda ku aaso miino deegaanka Garasbaaley, waana la toogtay." Ayaa lagu yiri warka booliska, oo sidoo kale lagu sheegay in ninkaasi uu doonayay in uu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee sooman.
Booliska ayaa baahiyay muuqaalka miinadii la sheegay in ninkaasi uu damacsanaa in uu waddada hareeraheeda ku aaso.
Arbacadii ayay ahayd, markii nin dhallinyaro ahaa oo miino ku aasayay deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho ay isagii uun kula qaraxday.




