Ciidamada oo wada dhaqdhaqaaqyo ay kaga soo horjeedaan joogitaanka Shabaab ee Teedaan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay bariga gobolkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo joogitaanka maleeshiyada Al Shabaab ee deegaanka istiraatiijiga ah ee Teedaan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo maalmahaanba abaabul iyo diyaargarow ka waday deegaanka Bukure ay u ruqaansadeen dhinaca Teedaan, isla-markaana ay xiisad u dhexeyso iyaga iyo maleeshiyada Al Shabaab ay ka jirto duleedka Teedaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda ay ku siqeen dhufeysada ay Shabaabku ku leeyihiin duleedka Teedaan, ayna tani sii xoojisay xiisaddii maalmahaanba ka taagneyd deegaanada ku yaala jidka isku xira Magaalooyinka Matabaan iyo Maxaas.
Cutubyo kale oo ka tirsan Ciidamada Militariga ayaa la sheegay inay heegan ku yihiin deegaanada Bukure, Hees iyo Coomaad oo ka mid ah deegaanada u dhexeeya Matabaan iyo Maxaas.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Shabaab ay dhankeeda dhaqdhaqaaq ka waddo Teedaan iyo deegaanada kale ee u dhexeeye Teedaan iyo Maxaas sida Suullaay, Xasan Raqay iyo Sulmo.
Shabaabka ayaa la sheegay inay sidoo kale dhaqdhaqaaq ka wadaan deegaanka dhinaca kale ee Maxaas ku yaala ee Goobo, iyadoo Goobo ay ku taalo waddada aadda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Goobo oo 15km jihada waqooyi uga beegan Maxaas ayaa ah meesha Shabaabka ku sugan deegaanka Teedaan uu u soo mari karo gurmadka uga imanaya deegaanada hoostaga Magaalada Ceelbuur.
Warbaahinta ayaa fahamsan in dhulka uu ka jiro gariirka dagaal ay kol horeba ka barakaceen dadkii deganaa, sababo ku aaddan cabsi ay ka muujiyeen in lagu dul dagaalamo.
Toddobaadkii labaad ayaa waxaa hakad ku jira isu socodkii dadka iyo ganacsiga ee deegaanada hoostaga Maxaas iyo deegaanada kale ee ku yaala jidka isku xira Maxaas iyo Matabaan.
Isu socodka ganacsiga iyo gaadiidka ayaa waxa uu hakad ku yimid, ka dib markii ciidamadu ay 2-dii bishan ka baxeen Teedaan, isla-markaana ay Al Shabaab la wareegtay gacan ku haynta deegaankaasi.
Tallaabada ay Al Shabaab 2-dii bishan ku wareegtay Teedaan ayaa xaaladda ka dhigtay inay cabsidu noqoto mid taagan.


