Ciidamada oo weerar ka fuliyay koonfurta Gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ee lagu abaabulay Degmada Wisil ayaa waaberigii hore ee saaka weerar ku qaaday fariisimo ay maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa la sheegay in halkaasi ay dagaal kula galeen maleeshiyadaasi, ka diba ay dib ugu laabteen barrihii ay ka soo dhaqaaqeen.
Aweys Cabdullaahi Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ee aagga Wisil ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in maleeshiyada ay dhaqdhaqaaq ka waddo halkaasi, isla-markaana ay go'aansadeen inay weeraraan.
Sarkaalkan ayaa sheegay in illaa saddex goobood ay hawlgalka ka fuliyeen, oo uu ku kala sheegay Bacaadweyne, Shabellow iyo Cammaara.
"Jab xoogan oo aad u culus baa ka soo gaaray. Annagoo kaashanayna shacabka iyo sirdookeenna waxaan boqolkiiba boqol ku guuleysanay shaqadii aan u soconay." Ayuu yiri Aweys Cabdullaahi.
Aweys Cabdullaahi ayaa intaasi ku daray in hawlgalkoodu uu ahaa mid ay kaga hortagayeen dhibaato uu sheegay in Shabaabku ay la damacsanaayeen dadka deegaanka.
Aweys Cabdullaahi ayaa xusay in ay hawlgalka ku beegsadeen dhowr kontorool oo Shabaabku ay lacago sharci darro ah kaga qaadayeen gaadiidka.
Aweys Cabdullaahi ayaa sheegaya in hawlgalka ay ku dileen xubno ay ku jiraan rag madax ah, dibna ay magacyadooda ka soo sheegi doonaan.
Weerarkan ayaa imanaya, iyadoo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle uu dib uga bilowday hawlgalka Gobolada Dhexe lagaga sifeynayo maleeshiyada Al Shabaab.


