Ciidamada oo weerar ka gaystay deegaan u dhaxeeya Dhuusamareeb iyo Ceelbuur

Xoogaga Galeyr ee Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimo ay maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Dhaban Dhul-ku-hays, oo ku yaala inta u dhaxeyso Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Galmudug oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb ay halkaasi dagaal kula galeen maleeshiyada Al Shabaab.

Raadiyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku waramay in ciidamadu ay hawlgalkan ku beegsadeen godad ay maleeshiyadu ka qodatay deegaankaasi.

Warka Radio SNA ayaa sidoo kale lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay shan ka mid ah maleeshiyadaasi, tiro kalena lagaga dhaawacay.

Xoogaga Galeyr ayaa 23-kii bishii ina dhaaftay ee September uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu tababar ugu soo xiray Dhuusamareeb.

Weerarkan oo u muuqdo midkiisii ugu horreyay ee ciidamadu ay qaadaan ayaa imanaya toddobaad ka dib, markii askar ka tirsan ciidamadan ay u goosteen maleeshiyada Shabaabka ee ku sugan deegaanka Ceelgaras oo hoostaga Ceelbuur, iyadoo ay saameysay carrada ka dhalatay dil hooyo iyo saddex hablood oo ay dhashay 8-dii bishan loogu gaystay meel u dhow deegaanka Qaayib oo hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Hadal hayn xoog leh ayaa ka dhalatay tallaabada ay askartan isugu dhiibeen Al Shabaab, waana xilli loo tababar, loona carbiyay la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Xoogaga Galeyr oo gaaraya illaa 200 oo askari ayaa loo diyaariyay, si la mid ah Guutada Gargaar ee Daraawiishta Galmudug.