Ciidamada oo xiraya xadka Gobolka Galgaduud ee Itoobiya, si aanay Shabaab ugu baxsan

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa wada qorshe lagu xirayo xadka Gobolka Galgaduud la wadaago dalkaasi Itoobiya, si firxadka maleeshiyada Al Shabaab aanay ugu tallaabin dalkaasi.
Gobolka ayaa waxaa ka soconaya guluf ballaaran oo maleeshiyadaasi lagaga sifeynayo deegaanada hoostagga Magaalooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur, waana hawlgal la sheegay in Shabaabka looga ciribtirayo Bariga Gobolka Galgaduud.
Wasiir Kuxigeenka Amniga Galmudug, Cali Baashi Cabdullaahi Cigaal ayaa sheegay in uu socdo qorshe ay ciidamada ku xirayaan xadka gobolkaasi la wadaago dalka Itoobiya.
Wasiir Kuxigeenka ayaa tilmaamay in Waqooyiga Gobolka Galgaduud lagu diyaariyay ciidamo ka hortagga in firxadka maleeshiyada Al Shabaab ay u gudbaan dhanka Itoobiya.
Waxa uu sheegay in ciidamada halkaasi lagu diyaariyay loo tababaray ilaalinta amniga xadka.
"Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ku sii jeedaa la dagaalanka argagixisada iyo sidii looga sifeyn lahaa meelo yaroo kooban oo cadowgu uu ku jiro, aana rajeynayno in mar dhow aan soo geba-gabeeno." Ayuu yiri Wasiir Cigaal.
Wasiir Cigaal ayaa sheegaya in qorshuhu uu yahay inaanay Shabaabku dib dambe u soo damcin, uguna soo laaban dhulka Galmudug, yoolkooduna uu yahay in ciidamada iyo xoogaga deegaanka ay si buuxdo isugu fidiyaan deegaanada Galmudug.
Dadka reer Galmudug oo muddooyinkii ugu dambeysay lagu wacyigelinayay la dagaalanka Shabaab iyo sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen ayaa waxaa muuqata in ay dagaalkaasi u diyaargaroobeen.
Xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa ciidamada ku hoggaaminaya hawlgalka maleeshiyadaasi looga sifeynayo dhulka miyiga iyo hawdka, si aanay ugu soo laaban waddooyinka deegaanada iyo degmooyinka laga saaro.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayuu barnaamijkiisu yahay in maleeshiyada Shabaabka la gaarsiiyo heer aanay khatar ku ahayn amniga bulshada ku dhaqan Gobolada Dhexe.


