Ciidamada Polizia Militare oo ka qayb qaadanaya hawlgalada Muqdisho
Ciidamadan oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa ka qayb qaadanaya hawlgalada lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho, maalmo uun ka dib, markii la faray in ay ku biiraan hawlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda.
Ciidamadan oo dhawaan tababar ku soo qaatay dalka Uganda ayaa qayb ka ah qorshaha mustaqbalka dhow lagu xasillinayo amniga magaalada, iyadoona sidoo kale loo diyaariyay in ay ka hortaggaan weerarada maleeshiyada Al Shabaab.
Xoogaga Polizia Militare ayaa Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood iyo deegaanada ku xeeran Magaalada Muqdisho kala hawlgalaya Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo kuwa Hay'adda Nabad Sugidda.
Hawlgalada ay ciidamadu iska kaashanayaan ayaa lagu baarayaa dadka la socda baabuurta iyo mootooyinka ee looga shakiyo falalka amni darro.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii kormeeray Xerada Hiilweyne ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa halkaasi kula kulmay xoogaga Polizia Militare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweynaha ayaana xilligaasi kula dardaarmay in ay si feejignaan, hubin, kala dambayn iyo turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabadgelyada dalka.
Xukuumaddii Raysal Wasaare Maxamed Xuseen ayaa 24-kii bishii June ee sanadkii 2021 saxiixday habraaca dib-u-howlgelinta Polizia Militare, oo muhiim u ah dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.
Xeerka Polizia Militare ayaa waxaa iska kaashaday oo soo diyaariyay Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa horaan xeerkan ku qeexay midkii ay ku shaqayn lahaayen Ciidamada Militariga Booliska ama Polizia Militare, kuwaa oo ujeedka dib loogu yegleelay ku sheegay in ay fuliyaan amarada maxkamaduhu ay soo saaraan, lana xiriira dadka hubeysan ee la soo qaban waayay inay soo qabtaan.










