Ciidamada Puntland oo la wareegay xeradii Ciidanka PSF ee Gaalkacyo

Ciidamada Puntland ayaa Arbacadan la wareegay xeradii Ciidanka PSF ay ku lahaayeen bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ka dib dagaal culus oo labada dhinac halkaasi ku dhex maray.

Ciidamada Puntland ayaa saakay madaafiic xoogan ku garaacay xeradaasi, ka hor inta aysan weerar ballaaran ku qaadin.

Ciidanka PSF ayaa isaga baxay xeradaasi, iyadoo aan si dhab ah loo aqoon halka ay aadeen, laakiin tiro ka mid ah ayaa isu dhiibay Daraawiishta Puntland, ka dib markii la hareereeyay.

Ciidanka PSF oo u tababaran la dagaalanka argagixisada ayaa horey uga tirsanaa Ciidamada Puntland, iyagoona hadda ka amar qaadanayay Dowladda Federaalka oo qarameysay.

Madaxtooyada Puntland ayaa 25-kii bishii hore ee July ku dhawaaqday inaysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan Ciidamada Puntland.

"Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa inaysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland. Sidoo kale dowladdu waxay caddeynaysaa inaysan jirin ciidan ka diiwaangashan Dowladda Federaalka oo ka hawlgala deegaanada Dowladda Puntland." Ayay Madaxtooyada Puntland ku sheegtay warsaxaafadeed.

Go'aankan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay amar soo baxay 24-kii bishii June oo gudaha deegaanada Puntland looga mamnuucay inay ka hawlgalaan ciidan aan ahayn kuwa maamulka.

Dhanka kale dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo u badan ciidamada.

Sidoo kale waxaa jira guryo la deganaa oo madaafiic ay ku dhaceen, iyadoona qaybo ka mid ah dhanka bari ee magaalada ay dadka deegaanka isaga barakaceen. Qoysaska oo cabsi ay soo food saartay ayaa isaga cararay rasaasta.

Dagaalka ayaa magaalada ka abuuray qalqal amni iyo hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo saameeyay nolosha dadka. Suuqyada waaweyn iyo goobaha ganacsiga ayaa xirmay, intii uu dagaalku socday.

Dagaalkan ayaa uga sii daray xiisaddii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland.