Ciidamadii ku wajahnaa Baydhabo oo weerar culus la kulmay

Raaca dambe ee ciidamada ayaa duhurnimadii maanta lagu weeraray inta u dhaxeyso deegaanada Mooda-moode iyo Deynuunaay ee Gobolka Baay, kuna yaala jidka isku xira Magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay jidka u galeen ciidamadan, ka dib markii sahankoodii ay u gudbeen dhinaca deegaanka Deynuunaay oo 26km jihada bari uga beegan Baydhabo.

Lama oga sababta aysan Shabaabku u weerarin sahanka ciidamada oo ahaa mid yar, isla-markaana ay u beegsadeen ciidanka xooggiisii.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, iyadoona ciidamada ay xagga cirka ka taageerayeen diyaarado dagaal.

Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay u suurtagashay in ay xoog ku furtaan waddada, isla-markaana ay sii wateen safarkoodii dhinaca Deynuunaay.

Dhanka kale Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay maleeshiyada Al Shabaab ku jebiyeen agagaarka Deynuunaay. Wasaaradda ayaa war qoraal ah ku sheegtay in Shabaabku ay isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku beegsadaan Ciidanka Xoogga Dalka.

"Dagaalka ayaa kooxda Khawaarijta loogu dilay 21 maleeshiyo, halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay." Ayaa lagu yiri warka oo sidoo kale lagu sheegay "Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Deynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira waddada Baydhabo iyo Muqdisho."

Ciidanka Xoogga Dalka oo ay kaabayaan ciidamo dadka deegaanka ah oo la abaabulay ayaa weli ku sii guurguuranaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidamadu ayaa waxay hiigsanayaan in ay gaaraan kontoroolka bari ee Magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada ka soo dhaqaaqay Buurhakaba ay aad uga badan yihiin kuwa kale ee ka soo socdo dhinaca Degmada Berdaale.

Weerarka Al Shabaab iyo feejignaanta ay ciidamadu ku socdaan ayaa mid gaabis ah ka dhigaya waqtiga safarka ee ciidamada.