Ciidamadii lagu qabtay xadka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo gaaray Degmada Ceelbarde

Ciidamadan oo qayb ka ahaa Ciidankii Xoogga Dalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 16-kii bishii August tababarka ugu soo xiray Xerada Militariga Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa maanta gaaray Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, ka dib markii ay Dowladda Itoobiya sii deysay.

Ciidamadan ayaa daba-yaaqadii August lagu qabtay xadka Dowlad Deegaanka Soomaalida, xilli sida la sheegay ay soo qaateen fasax, si ay dib ula midoobaan qoysaskooda oo ku dhaqan qaybo ka mid ah Gobolka Bakool, iyagoona Dowlad Deegaanka u sii maraayay, sidii ay ku gaari lahaayeen gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Dowlad Deegaanka oo waday ciidamadan ayaa ku wareejiyay Saraakiil ka tirsan Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Degmada Ceelbarde.

Taliyaha Ururka 62aad ee Guutada 6aad, Kabtan Curdan Kilaas Guraase oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Dowlad Deegaanka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

"Dowlad Deegaanka iyo Dowladda Federaalkaba waan u mahadcelinaynaa. Qof wax ka qaalisan adduunka malahan, waxa hadda dadku ay intaas u dhibaatoonayeen oo dhan aragtidiina uun bay ahayd, aragtidiinana maanta way hayaan. Guul iyo gobanimo ayaan idiin rajaynayaa." Ayuu yiri Taliye Guraase.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde, Cabdiraxmaan Ibraahim Khayre (Cabdiraxmaan Khayre) oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay sii deynta askartaasi.

"Maanta halkan waxaan kula wareegaynaa ciidankii in muddo ahba ku xirnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana u mahadcelinaynaa cid walboo ka qayb qaadatay sii deyntooda iyo fududeyntooda, qaasatan Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowladda Somaliya, Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaalba." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray "Ciidanka waxaan leeyahay magaaladiinnii baad timaadeen, deegaankiinnii baad joogteen iyo dalkiinnii, khaladaad dhacay dartii ayaad u xirneydeen, haddana si nabadgelyo leh baa magaaladiinnii iyo deegaankiinnii ugu soo laabateen. Magaaladiinnii ku soo dhawaada."

Saraakiisha Dowlad Deegaanka ayaa 219 askari ku wareejiyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Degmada Ceelbarde.

Sii deyntooda ayaa ku soo beegmeysa, xilli Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay la tacaaleyso, sidii ay u xakamayn lahayd weerarada uga imanaya ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).