Ciidamadii soo banneeyay furimaha Gobolka Mudug oo isugu tagay Degmada Baxdo

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley oo toddobaadkii hore soo banneeyay furimaha koonfurta Gobolka Mudug ayaa haatan isugu tagay Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa ka soo baxay fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanada Bacaadweyne, Cammaara iyo Caad.

Ciiidamada ayaan deegaanadaasi uga soo bixin culeys kaga yimid dhanka maleeshiyada Al Shabaab, marka laga soo taggo in ay ka cabanayaan daryeel la'aan ay ka tirsanayaan dhinaca Dowladda Federaalka & Galmudug iyo hakadka muddooyinkii ugu dambeysay ku yimid hawlgaladii lagu la dagaalamayay Shabaabka.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadu ay billo ka hor si dhab badan ku qabsadeen deegaanadaasi, askar badana ay kaga dhinteen, iyadoona deegaanadan ay muhiim u ahaayeen dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Goobahan ay soo banneeyeen ayaa loo aaneynaya inay ku timid qorshe xumo iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo aan istiraatiijiyad dagaal oo rasmi ah ka lahayn dhulka la xoreynayo iyo xasillintooda.

Ciidamadan ayaa fariisimo ka sameystay Degmada Baxdo iyo duleedkeeda, mana cadda halka ay halkaasi uga dhaqaaqi doonaan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Madaxda Qaranka ay wadaan dadaalo wax lagaga qabanayo cabashada ciidamada, si buu yiri hawlgalada loo dardargeliyo.

Cali Baashi Cabdullaahi Cigaal, Wasiir Kuxigeenka Amniga Galmudug ayaa isna sheegay in maamulka uu diyaar u yahay in si dhab ah uu u wajaho daldaloolooyinka jira, isla-markaana ay ka go'an tahay in la soo ajfaro joogitaanka Shabaab ee deegaanada Galmudug.

Dadka reer Galmudug ayaa niyad xumo ka muujiyay dib u soo gurashada ciidamada, mana ahan markii ugu horreyay ay saldhigyadooda soo banneeyaan.

Daba-yaaqadii bishii August ee sanadkii hore, ciidamada ayaa sidaan oo kale uga soo baxay saldhigyadii ay ku lahaayeen degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida Degmooyinka Ceeldheer, Ceelbuur, Galcad iyo deegaanada Budbud & Masagawaa.

Shabaabka ayaa dib u qabsaday dhammaanba saldhigyadaasi, waxaana xusid mudan in dib ugu soo laabashadooda ay curyaamisay hawlgaladii sida dardarta lahaa uga socday bariga gobolkaasi.