Ciidamo ku biiraya la dagaalanka Shabaab oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil, Saraakiil Xigeenno iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka.

Ciidamadan oo muddooyinkii u dambeysay tababar ku qaadanayay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Turksom ayaa ku biiraya dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ku howlan tahay dhismaha ciidan qaran oo loo dhameystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taas oo ay saldhig u tahay dhismaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa ku waramaya in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ay tahay mudnaanta koowaad ee uu leeyahay ciidanku, isla-markaana uu askariga Soomaaliyeed leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay u diyaargaroobaan xoreynta dalka iyo in ay soo celiyaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf dhabar u yihiin dowladnimo xoogan oo isku filan. Sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaargarowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed." Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa sheegaya in ciidamadan ay door weyn ka qaadan karaan dadaalada ay dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada, oo uu ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin amniga iyo midnimada dalka.

Gorgor waa ciidan lugta ah oo loo diyaariyay la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo burburintooda, waana mid ka mid ah ciidamada ugu tayada wanaagsan ee ay Somaliya maanta leedahay.

Kumaandooska Gorgor ayay Saraakiisha Turkiga ku tababaraan Dugsiga Turksom oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho, tani oo qayb ka ah dadaalada uu Turkiga ku bixinayo wax ka qabashada baahida ciidan ee dalka.

Saldhiggan ayaa sanad kasta soo saara Saraakiil, Saraakiil Xigeenno iyo ciidan gaaraya wax ka badan kun askari, si ay u xoojiyaan difaaca hore ee cadowga lagu hortaagan yahay.

Inkastoo Dugsiga Turksom uu sanad kasta soo saaro ku dhawaad 1,500 oo askari oo qalabeysan ayaa waxaa haddana la isweydiinaya sababta aanay ciidamadu inta badan is bedelo muuqda uga dhalin jiidaha hore ee dagaalka.

Dadka dhaliila siyaasadda Dowladda Federaalka ayaa Villa Somalia ku dhalleeceeya in aysan si dhow uga warqabin baahida ciidamada, oo ah gaashaanka ugu weyn ee ay maanta kula dagaalameyso Al Shabaab.

Guutooyin kasta oo ka soo baxa xeryaha lagu tababaro ciidamada ayaa la aaminsan yahay in qaar badan oo ka mid ah ay shaqada dhex uga taggaan, sababtu tahay dowladda oo mararka qaarkood ciidamada qaar ka joojiso mushaaraadka iyo gunooyinkii ay ka heli jireen, iyana ay raadsadaan meelihii kale ee ay baahiyooyinka ka heli karaan.