Ciidamo laga diray Muqdisho oo gaaray Gobolka Hiiraan

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo safar dhinaca dhulka ah uga ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray jiidda hore ee bariga Gobolka Hiiraan.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa halkaasi loogu diray inay xoojiyaan ciidamada kale ee Militariga Somaliya iyo kuwa Difaaca Shacabka ee loogu talagalay inay la dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada qorshe ay ciidamadu dib ugu la wareegayaan deegaanka Teedaan, oo ay ka soo baxeen 2-dii bishan, markaas oo Al Shabaab ay qabsatay.
General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayay wararku sheegayaan in uu riixayo guluf ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida bariga Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad fara-badan oo kuwa Al Shabaab ah lagu arkayo deegaanada u dhexeeya Degmada Maxaas iyo Teedaan, isla-markaana ay Shabaabku dhufeysyo kaga jiraan bannaanada deegaankaasi Teedaan.
Teedaan ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo xiriiriya Magaalooyinka Matabaan, Beledweyne iyo Maxaas, waana deegaan muhiim u ah nabadda iyo ganacsiga ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Shabaabka ayaa isku dayaya, sidii ay u sii haysan lahaayeen Teedaan, si aysan halis ugu iman joogitaankooda Maxaas iyo Moqokori, oo ah laba magaalo oo waaweyn oo haatan ay ka haystaan bariga Gobolka Hiiraan.
Shabaabku waxay ogyihiin in haddii laga qabsado Teedaan ay ciidamadu kala jari karaan gurmadka iyo saadkooda ee Maxaas iyo Moqokori.
Labada dhinac ayaa ahmiyad gaar ah siinaya gacan ku haynta Teedaan, waxaana cabsi laga qabaa in uu halkaas ka qarxo dagaal culus.


