Ciidan hor leh oo lagu soo daadiyay waddooyinka Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay amniga Magaalada Dhuusamareeb, xilli la filayo in uu gaaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa sheegaya in gudaha iyo bannaanada magaalada lagu arkayo ciidan hor leh, oo loogu talagalay inay sugidda amniga ka qayb qaataan.
Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda Galmudug ayaa lagu arkayaa xaafadaha magaalada qaarkood, halka ciidan u badan kuwa Xoogga Dalka la soo dhigay waddada xiriirisa magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.
Ciidamada Militariga ayaa sidoo kale lagu daadiyay waddooyinka ka yimaada deegaanada ku xeeran magaaladaasi ee soo gala gudaha magaalada.
Dhanka kale Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee Koofi Casta oo Khamiistii gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa la wareegay amniga goobta loogu talagalay in uu dego Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Madaxda Galmudug ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lagu wado in ay gaaraan magaaladaasi.
Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb kulamo kula leh odayaasha beelaha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa halkaasi kaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.
Dadka reer Galmudug ayaa u muuqdo kuwo si weyn ugu diyaargaroobay gulufka ay tahay in Shabaabka lagaga saaro Gobolada Dhexe.
Dowladda Federaalka ayuu qorshaheedu yahay in wejiga labaad ee hawlgalka lagu soo afjaro waayihii Al Shabaab ee deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.


