Ciidan kale oo lagu dhaqaajiyay Magaalada Ceelbuur

Ciidankan oo ah kuwii toddobaadyadii ugu dambeysay ku sugnaa Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa dhanka waqooyi kaga dhaqaaqay Magaalada Ceelbuur ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Ciidamadan ayuu qorshuhu yahay inay dhanka waqooyi ka galaan Magaalada Ceelbuur, iyagoo markaasi la wareegaya deegaanada hoostagga magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku sii siqayaan deegaanka Ceelgorof, halkaas oo la filayo in ay kaga sii gudbaan deegaanada Wabxo iyo Dac.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay in ciidamadu ay garab socon doonaan ciidamada kale ee jihooyinka bari iyo koonfureed kaga sii socda magaaladaasi.

Wasiirka ayaa sheegaya inaanay ciidamadu la wareegi doonin Ceelbuur, iyadoo aan maleeshiyada Al Shabaab laga sifeyn deegaanada ku teedsan magaaladaasi.

Qorshaha dagaal ee ay ciidamadu ku hawlgalayaan ayaa ah in sidoo kale ay isu furaan waddooyinka deegaanada iyo tuulooyinka.

Ciidamada ayay tahay in waddada xiriirisa Ceelbuur iyo Maxaas ay ka dhigaan goob ka caagan weerarada iyo weliba joogitaanka Al Shabaab.