Ciidan xoog leh oo ka dhaqaaqay Dhuusamareeb, kuna wajahan Ceelbuur

Ciidan lixaad leh oo muddooyinkii ugu dambeysay lagu uruurinayay xeryaha ciidamada ee ku yaala duleedyada Magaalada Dhuusamareeb ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii u dhaqaaqay dhanka bari ee Magaalada Ceelbuur.

Ciidamadan ayaa qayb ka ah qorshaha maleeshiyada Al Shabaab looga sifeynayo deegaanada ka baxsan Magaalada Ceelbuur, marka dambena lagu xoreynayo magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Qaybta 21aad ayaa ciidamada u dhameystiray qalabkooda, iyagoona ka sagootiyay xeryahooda.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamada oo isugu jira kuwa Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka la filayo in marka hore ay qabtaan deegaanka Ceel La helay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay garab socon doonaan ciidamada kale ee jihooyinka waqooyi iyo koonfureed kaga sii siqaya Magaalada Ceelbuur.

Gulufkan ballaaran ayaa laga leeyahay in maleeshiyada Al Shabaab looga sifeeyo dhulka miyiga iyo hawdka ee dhaca deegaanada ku xeeran magaaladaasi.

Ciidamada ayaa la amray inay geed geed u xaqiijiyaan amniga dhammaanba deegaanada iyo dhulka fogfog, ka hor inta aanay gelin Ceelbuur.

Shabaab oo si buuxdo looga sifeeyo Ceelbuur iyo deegaanada hoostagga ayaa ahmiyad weyn u leh Dowladda Federaalka, waana sababta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu haatan u joogo Galmudug.

Magaalada Ceelbuur iyo deegaanada ku xeeran ayaa la fahamsan yahay in ay si weyn ugu xidideysteen Shabaabka, bacdamaa ay muddo dheer ka arriminayeen.

Ceelbuur waa xarunta ugu weyn ee ay xilligan Shabaabku ku leeyihiin Gobolada Dhexe, waana magaalada ugu muhiimsan ay ka maamulaan Galmudug.