Ciidanka ATMIS oo lix carruur ah oo wada dhalatay ku dilay duleedka Baraawe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka ATMIS ay lix carruur ah oo wada dhalatay ku dileen duleedka Degmada Baraawe ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Uganda ee degan deegaanka Ambareeso ee duleedka Degmada Baraawe ay galabta madaafiic ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe, oo Degmada Baraawe uga beegan dhanka Degmada Sablaale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mida madaafiicdaasi uu ku dhacay guri ay deganaayeen dad rayid ah, isla-markaana ay ku dhinteen lix carruur ah oo wada dhashay, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa in Militariga Uganda ay madaafiic ku garaacaan deegaankaasi, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in lagu arkay xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaan weli ka hadlin dhacdada gelinka dambe ee maanta ka dhacday gobolkaasi.

Tani ayaa imaanaysa, xilli maleeshiyada Shabaabka ay Jimcihii weerar xoogan ku qaadeen xerada Ciidanka Uganda ay ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolkaasi.