Ciidanka Booliska oo 5 nin ka soo xiray Garoonka Aadan Cadde

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo hawlgal gaar ah ka fuliyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa gacanta ku soo dhigay shan nin, sida lagu sheegay war caawa ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

"Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ka dib hawlgal qorsheysan oo uu ka fuliyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxa uu gacanta ku dhigay shan Sarkaal oo ka mid ah shabakad ballaaran, oo Booliisku uga shakisan yahay in ay musuq-maasuq iyo wax-is-dabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee  adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu yiri "Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been abuurtay buugta iyo xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda, ayna lunsataya dakhli dowladdu leedahay, oo ka yimaada fasaxyada shaqada (Work permit), buugta iyo xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsaneysay, kuna boobayay lacagta iyo hantida dadweynaha."

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa warka ku sheegay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu la wareegay kiiska raggaasi, si uu dacwad ugu soo oogo, caddaaladdana ay u wajahaan.

"Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo kiiskan kooxda la wareegay ayaa diyaarinaya dacwad oogista eedeysaneyaasha, iyada oo xubnaha hadda ku jira gacanta dowladda iyo kuwo ku lugta lehba ay wajihi doonaan caddaaladda." Ayaa lagu yiri warka.

Taliska ayaa sheegay "Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ku daba-jira xubno kale, oo ka tirsan shabakaddan ku eedeysan musuqa."