Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Degmada Sablaale

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa la sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay hawlgal ka fuliyeen Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in Ciidanka Danab ay bartimaameedsadeen goobo ku yaala degmadaasi, oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

"Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe hawlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab." Ayay wasaaraddu ku sheegtay warsaxaafadeed.

"Hawlgalka ayaa lagu dilay toddobo dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab, oo uu ku jiray horjooge kaalin ku lahaa abaabulka maleeshiyaadka kooxda." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo intaasi ku daray "Sidoo kale, ciidanka ayaa burburiyay laba goobood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen tababarka iyo faafinta fikradaha xagjirnimada, kuwaas oo ay dadka ku marin-habaabin jireen, kuna dhiirigelin jireen falalka argagixisanimo."

Waa markii ugu horreysay oo Dowladda Soomaaliyeed ay xaqiijiso in ciidamadeeda ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen Degmada Sablaale.

Sablaale waa degmada labaad ee Gobolka Shabellaha Hoose ee ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab, taas oo aan mar qura xitaa laga saarin, ka dib 19 sano oo ay ka arriminayeen.

Degmada kale ee gobolka ka tirsan, isla-markaana ay Shabaabku maamulaan ayaa ah Kuntuwaarey (Kurtunwaarey), inkastoo 12 sano ka hor laga saaray maleeshiyada, balse ciidamada oo dib uga soo baxay ayaa keentay inay ku soo laabtaan.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa bishan July kordhiyay hawlgalada qorsheysan ee ay ka fulinayaan deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Hawlgalka Sablaale ayaa waxa uu noqonayaa kiisii afaraad oo bishan oo keliya ay ciidamadu ka sameeyaan gudaha dhulka ay gacanta ku hayso Al Shabaab.

Ciidamada ayaa sidaan oo kale weerar abaabulan ugu galay deegaanada Toora-toorow, Farsooley iyo Baqdaad oo ka kala tirsan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.