Ciidanka Difaaca Shacabka oo goobo cusub ka qabsaday Al Shabaab

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii jug kale ku dhuftay maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanada xuduudda dhaca ee u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, iyagoona kala wareegay dhul hor leh.
Ciidamada ayaa xilligii Salaadda Jimcaha wa-xoogaa dib uga gurtay deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii ay soo weerareen maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay saacado ka dib weerar rogaalcelin ah ku qaadeen maleeshiyadaasi, isla-markaana ay si buuxda uga saareen deegaankaasi iyo goobaha ku dhow dhow.
Ceel-hareeri ayaa ku taala inta u dhaxeyso Degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee Hirshabelle.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay daba galeen firxadkii maleeshiyadaasi, isla-markaana ay gaareen aagga deegaanka Mabaax oo labadii toddobaad ee u dambeysay ay Shabaabku haysteen.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in Xoogaga Macawiisleyda ay iyagu gacanta ku hayaan Mabaax, Shabaabkii joogayna ay gudaha u sii galeen Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ka dib markii maleeshiyada Shabaabka ay 16-kii bishii April dagaal culus kula wareegeen Degmada Aadan Yabaal ayaa waxay qayb ka mid ah ay culeys soo saareen deegaanada hoostaga Degmada Moqokori, si ay isugu xirmaan kuwooda kale ee ku sugan deegaanada Aboorey iyo Yasooman oo hoostaga Degmada Buuloburde. Shabaabka oo isla 16-kii bishaasi la wareegay Yasooman ayuu ujeedkoodu ahaa in ay la wareegaan waddada Yasooman ee ku xiriirisa Moqokori iyo Maxaas.
Xasan Faarax Guuleed oo ka mid ah Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in maadaama ay Shabaabku ka soo gudbi waayeen dhinaca deegaanka Aboorey ay isku dayeen inay markan Gobolka Hiiraan ka soo galaan dhinaca Gobolka Shabellaha Dhexe.
"Aboorey way soo mari waayeen, marka dhinaca Gobolka Shabellaha Dhexe inay Hiiraan ka soo jabsan karaan ayay isku dayeen. Isku day ayay ahayd, laakiin isku daygii waa laga hortegay oo uma suurtagelin." Ayuu yiri Xasan Faarax Guuleed oo la hadlay Radio Shabelle.
Guuleed ayaa intaasi ku daray in Shabaabku ay doonayaan meel ay si mug leh uga soo galaan bariga gobolkaasi, laakiin aysan u suurtageli doonin, sida uu yiri.
Taliyaha Guutada 26aad ee Cali Bin Abii Daalib, G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa isna sheegay in kooxaha argagixisada lagu jebiyay saddex aag oo lagu dagaalamay.
Taliyaha ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in uu xaqiijiyay meydadka 25 ka mid ah maleeshiyadaasi iyo hub uu sheegay in laga furtay.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada ay xilligan ku sugan yihiin deegaanada Ceel-hareeri, Mabaax iyo Tawakal oo hoostagta Degmada Aadan Yabaal.
"Waxaa la isugu geeyay Aadan Yabaal, haddii Ilaahay yiraahdana waxaan filayaa in Aadan Yabaal iyadana aan looga sii hari doonin oo aan ka saari doono mar dhow." Ayuu yiri Taliye Xujaale.
Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi ayaa bartiisa Facebook qoraal uu soo dhigay ku booriyay, sida ciidamadu ay dagaalka ugu jebiyeen kooxahaasi.
"Khawaarijta tabartoodu waa intaas, waxayna reer Hiiraan muujiyeen dhabar adeyg iyo geesinimo laga qaadan doono casharo." Ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa Ciidamada Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku dhiirigeliyay in ay xoojiyaan dagaalka dalka looga saarayo Al Shabaab.