Ciidanka Gaarka ee Gungaar oo lagu wareejiyay amniga Ceelasha Biyaha

Ciidanka Gaarka Gungaar ee Xoogga Dalka ayaa lagu wareejiyay amniga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Ceelasha Biyaha ayaa ku taala waddada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamadan ayaa ka tirsan Guutada 22aad Gungaar ee Polizia Militare ee lagu soo tababaray dalka Uganda.

Ciidamadan ayaa bishii April laga dalbaday in ay qayb ka noqdaan Ciidanka Xasillinta Muqdisho ee lagu wareejiyay howlaha amniga ee caasimadda.

Xoogaga Guutada 22aad ee Gungaar oo maanta gaaray deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ka bilaabay hawlgalo ay amniga ku xaqiijinayaan, waxaana horkacaya Taliyaha Hawlgalinta, Liibaan Maxamed Faarax (Golcad).

Illaa iyo hadda lama soo sheegin cid ay ciidamada ku soo qabqabteen hawlgalada ay ka sameeyeen deegaankaasi.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa la fahamsan yahay in Guutada Gungaar uu u diray deegaankaasi, oo muddooyinkii ugu dambeysay ay ku soo badanayeen kooxaha ciyaal weerada iyo burcadda, ee xilliyada habeenkii dadka ku baarta xaafadaha la degan yahay.