Ciidanka Galeyr oo weerar kedis ah ku qaaday saldhig ay Al Shabaab leedahay

Ciidanka Gaarka Galmudug ee Galeyr ayaa caawa weeraray fariisimo ay maleeshiyada Al Shabaab ku leeyihiin duleedka bari ee Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ka dhaqaaqay xerada ay ka degan yihiin Dhuusamareeb ay weerar ku ekeeyeen saldhig ay Shabaabku ku leeyihiin meel u dhow deegaanka Ceel La-helay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka oo bilowday xilligii caweyska uu soo gaaray ku dhawaad abaarihii saqda dhexe.

Saraakiisha Galmudug ayaa inoo sheegay in hawlgalkan ay fuliyeen Ciidanka Galeyr oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug.

Inkasta oo saraakiishu ay sheegeen in hawlgalka lagu dilay xubno ka tirsan kooxaha argagixisada, haddana ay dib ka soo faah faahin doonaan khasaaraha dhabta ah ee cadowga lagu gaarsiiyay dagaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay iska caabin xoog badan kala kulmeen maleeshiyadii la weeraray, ayna ku adkaatay in ay foodda geliyaan fariisimihii ay ku sugnaayeen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadu ay weerarkaasi ka dib ku soo laabteen xeradii ay ka qalabka qaateen ee Dhuusamareeb.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii labaad ee Ciidanka Galeyr ay ku qaadaan goobaha ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin deegaanada dhaca waddada xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, tan iyo markii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu 23-kii bishii September uu ciidamadan tababarka ugu soo xiray Dhuusamareeb.

Ciidamadan ayaa 22-kii bishii hore ee October weerarkoodii ugu horreyay ku qaaday saldhigga ay Al Shabaab ku leedahay deegaanka Dhaban Dhul-ku-hays, oo saaran jidka isku xira Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Ciidamada Galeyr ayaa gaaraya illaa 200 oo askari, kuwaas oo loo tababaray la dagaalanka kooxaha argagixisada, si la mid ah Guutada Gargaar ee Daraawiishta Galmudug.

Galeyr waa ciidankii labaad ee gaar ah ee Galmudug ay yeelato.