Ciidanka Guutada Gungaar oo ku biiray hawlgalada lagu sugayo amniga Muqdisho
Ciidanka Guutada 23aad Gungaar ee Xoogga Dalka ayaa bilaabay in ay ka qayb qaataan hawlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo kala dambaynta Magaalada Muqdisho.
Ciidankan oo la faray in ay ka qayb qaataan hawlgalada magaalada looga nadiifinayo kooxaha ciyaal weerada ayaa xalay hawlgalo ka sameeyay Degmooyinka Kaaraan, Heliwaa iyo deegaanka Daarusalaam.
Ciidamada ayaa la arkayay, iyagoo baaritaano ku sameynaya gawaarida iyo mooto bajaajta, si ay uga hortaggaan falalka liddiga ku ah amniga caasimadda. Ciidamada ayaa sidoo kale la arkayay, iyagoo su'aalo weydiinaya dadka la socda gaadiidkaasi.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in Ciidanka Gungaar ay xoogga saarayaan xaafadaha Degmada Kaaraan, oo wadooyinka ku yaala ay u taagan yihiin, sidii ay uga hortaggi lahaayeen kooxaha ciyaal weerada. Ciidamada ayaana barro amni ka sameystay qaybo ka mida wadooyinka degmadaasi.
Warbaahinta ayaa fahamsan in kooxaha ciyaal weerada ee xilliyada habeenkii dadka ku baarta, kuna dhibaateeya xaafadaha magaalada ay ku badan yihiin degmadaasi.
Hawlgalka ka dhanka ah ciyaal weerada ayaa garab socda hawlgalada kale ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha lala xiriirinayo Amniyaadka Al Shabaab iyo weliba dadka kale ee muqaadaraadka ka ganacsada.
Dowladda Federaalka ayaa xilligaan dadaal badan ugu jirta xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, waxayna hawlgaladan imaanayaan, iyadoo caasimadda looga diyaargaroobayo munaasabadda maalmaha fasaxa ee Ciidul Fidriga.





