Ciidanka Midowga Afrika oo 3,500 askari looga dilay Somaliya, muddadii ay joogeen

Ugu yaraan 3,500 oo askari ayaa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowoga Afrika looga dilay dalka, tan iyo horaantii bishii March ee sanadkii 2007-dii, markaas oo ay dalka yimaadeen ciidamadii ugu horreyay ee ka socda dalka Afrikada Bari ku yaala ee Uganda.
Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta ee ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa xaqiijiyay in 3,500 ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika lagu dilay dalka, boqolaal kalena lagu dhaawacay, tan iyo markii uu hawlgalkaasi soo bilowday, muddo haatan laga joogo 16 sano.
Wakiilka Midowga Afrika ayaa Barnaamijka Galka Baarista u sheegay in hawlgalku uu diiwaangeliyay 4,000 oo askari oo dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana uu tilmaamay in askartu uu khasaaruhu xooggiisu soo gaaray bilowgii hawlgalkan.
Wakiilka ayaa xusay inay jiraan kiisas badan oo aan si wanaagsan loo diiwaangelin, isla-markaana ay Saraakiisha u sheegeen in khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ciidamada uu gaari karo illaa 5,000 oo askari.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada khasaaraha ugu badan uu gaaray ay u dhasheen dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaa oo qayb ka ah hawlgalka.
Waxa kaloo uu sheegay inuu ka shaqayn doono, sidii magdhow loo siin lahaa qoysas aan weli helin magdhowga askartii la dilay.
"Qaar ka mid ah dadkan waxay naftooda waayeen, saddex, afar illaa shan sano ka hor, qoysaskoodiina weli magdhow lama siinin, sababtoo ah dhaqaale la'aan jirta, laakiin kiisaskaasi waan daba galaynaa, waana sababta aan kugu sheegay inaan miiska nadiifinayo wixii aan dhaxlay, tanna mudnaanta koowaad baan siinayaa." Ayuu yiri Danjire Souef.
Ciidanka Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood ka taageera arrimaha amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Hawlgalka Midowga Afrika ayaa markii hore lagu magacaabi jiray AMISOM, balse Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa 31-kii bishii March ee sanadkii hore (2022) u bedelay Hawlgalka KMG ee ATMIS, oo waqtigiisu ku egyahay dhammaadka sanadka soo socda ee 2024, iyadoona uu qorshuhu yahay in Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka.


