Ciidanka NISA oo toogtay nin ka tirsanaa Shabaab, mid kalena nolosha ku qabtay

Ciidanka Hay'adda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayaa galabta toogasho ku dilay nin ka tirsanaa Amniyaadka Al Shabaab, halka mid kalena ay toogasho ku dhaawaceen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku soo baxeen raggan, xilli ay qorsheynayeen in ay dil ka gaystaan xaafadda Macalin Nuur ee Degmada Dharkiinley, gaar ahaan Waddada Jaamacadaha qaybteeda Dharkiinley.

Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Ciidanka NISA ay heleen xogta raggaasi, oo sida ay sheegtay uu ujeedkoodu ahaa in ay dil ka gaystaan degmadaasi.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in raggan ay damacsanaayeen inay dilaan Sarkaal Dharcad ah oo ka tirsan Hay'adda NISA.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay is rasaaseyn dhex martay labada dhinac, isla-markaana ay ciidamadu ku guuleysteen inay dilaan mid ka mid ah, kii kalena ay gacanta ku soo dhigaan, isagoo dhaawac ah.

Ka hor inta aan gacanta lagu soo dhigin ninkan ayaa la sheegay in uu isku dayay in goobta uu ka baxsado, balse aysan ciidamadu seegin in ay gacanta ku soo dhigaan, isagoo kooreysan amaba kalareysan.

Ciidamada ayaa Warbaahinta la wadaagay muuqaalada ninka la dilay iyo kan kale ee la soo qabtay. Sidoo kale cidiamada ayaa soo bandhigay laba bastooladood oo raggaasi ay ku hubeysnaayeen.

Ciidamada amniga ayaa muddo dheer lagu dhaliilayay inaanay ka hortagin dilalka qorsheysan ee ay Amniyaadka Shabaabka ka gaystaan Caasimadda Muqdisho amaba aysan gacanta ku soo dhigin marka ay dilaan ciddii uu bartilmaameedkoodu ahaa.

Tani ayaa ciidamada ka dhaqeysa fadeexaddii in muddo ahba ka haysatay inaanay gacanta ku soo dhigin xubnaha Shabaabka u qaabilsan, waxa ay bulshadu u taqaano (Madax jebiska).

Taliska Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Madaxda Dowladda Federaalka ayaa waxaa suurtagal ah in ay ciidamadu ku abaalmariyaan shaqadan ay qabteen, si ay dhiirigelin ugu noqoto.