Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay nin kale oo ajaaniibta Daacish ka tirsan

Ciidanka Puntland ayaa gelinkii dambe ee maanta Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari ku soo bandhigay sarkaal ka tirsan maleeshiyada Daacish, ka dib markii ay gacanta ku dhigeen.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Madaxii Hagista GPS-yada ee Daacish, isagoo firxad ah.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ninkan uu magaciisu ku sheegay Cabdirixiin Ibnu Borosa, isla-markaana uu u dhashay dalkaasi Morocco.

"Ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Madaxii Hagista GPS-yada ee argagixisada Daacish, kaasi oo la qabtay isagoo firxad ah. Ninkan oo u dhashay dalka Morocco ayaa magaciisa ku sheegay Cabdirixiin Ibnu Borosa." Ayaa lagu yiri warka.

Wasiirka Ganacsiga Puntland, Axmed Shire Siciid ayaa tegay goobta lagu soo bandhigay ninkan ajnabiga ah.

Ciidanka Puntland oo bishii 11aad oo xiriir ah dagaal kula jira Daacishta Somaliya ayaa marar kala duwan gacanta ku dhigay xubno ka tirsan dagaal-yahanada ajaaniibta ee Daacish.