Ciidanka Puntland oo weerar ku galay deegaanka Miiraale ee Calmiskaad

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta weerar xoogan ku qaaday fariisimihii ay maleeshiyada Daacish ku lahayd deegaanka Miiraale ee Gobolka Bari.
Ciidamada ayaa iska caabin xoog badan kala kulmay maleeshiyada ku uruursan jiidda galbeed ee Buuraleyda Calmiskaad, balse taasi kama hor istaagin in ciidamadu ay gudaha u sii galaan deegaanka muhiimka ah ee Miiraale.
Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ciidamadu ay kooxaha argagixisada ka saareen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen.
Ciidamada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kubaareeyay deegaankaasi, waxaana xusid mudan in si joogta ah xagga cirka looga garaacayay maleeshiyadaasi.
Miiraale waxay ahayd mid ka mid ah deegaanadii u dambeeyay ee ku harsanaa gacanta Daacishta Somaliya.
Ciidamada ayaa sii kordhinaya cadaadiskooda militari ee ka dhanka ah maleeshiyada Daacish, iyagoo xaqiijinaya hadafka dagaalkan dalka looga saaro maleeshiyadaasi.
Daacish ayaa ku dhawaad muddo toban sano ah ka hawlgaleysay Buuraleyda Calmiskaad, waana Daacish oo aan wax saldhig ah ku lahayn meel ka baxsan Gobolka Bari ee Puntland.
Puntland ayaa bishii afaraad oo xiriir ah weerar ku hayso Daacishta Somaliya, taasoo keentay in maleeshiyada laga saaro aagagga bariga iyo bartamaha ee Calmiskaad, waxayna ciidamadu haatan kula dagaalamayaan qaybaheeda galbeed.
Daacish ayaa guul darro is daba joog ah kala kulmeysa hawlgalkan oo Puntland ay ugu magac-dartay (Hawlgalka ciribtirka Daacish), weliba iyadoo aysan jirin wax taageero ah oo Dowladda Federaalka ay ku bixineyso dagaalkan.
Dagaalkan ayaa waxa uu noqonaya kiisii ugu weynaa ee ay Puntland la gasho mid ka mid ah ururada hubeysan ee dalka ka dagaalama.
Puntland ayaa qoreysa taariikh cusub oo ku aaddan in Dowlad Goboleedyadu ay la dagaalami karaan argagixisada, xitaa haddii aysan taageero ka haysan Dowladda Federaalka.