Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM oo hawlgal ka sameeyay duleedka Baraawe
Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidanka Qaybta 1aad, Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa Sabtidan hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay bannaanada Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada ayaa la sheegay inay si wadajir ah u fuliyeen hawlgal roondo oo lagu xaqiijinayo amniga duleedka Degmada Baraawe.
Taliska AUSSOM ayaa sheegay in Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xarago) oo ka tirsan Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Korneyl Justus Musenene oo ka tirsan Militariga Uganda ee qaybta ka ah Ciidanka AUSSOM ay hoggaaminayeen hawlgalka.
Taliska AUSSOM ayaa sheegay in hawlgalka uu muujiyay iskaashiga xoogan ee ka dhaxeeya AUSSOM iyo Ciidamada Somaliya ee ku aaddan ilaalinta amniga, dhisidda kalsoonida dadweynaha iyo diidmada xorriyadda dhaqdhaqaaqa ee Al Shabaab.
Taliska ayaa sheegay in hawlgalka roondooyinka isku dhafan ay sii socon doonaan, si looga hortago argagixisada, loo xoojiyo amniga dadweynaha, loona taageero jewi ammaan ah oo loogu talagalay bulshada iyo horumarka deegaanka.
Saraakiisha ayaa shacabka ku booriyay in ay sii wadaan taageeradooda amniga, isla-markaana ay hay'adaha ammaanka la soo wadaagaan xogaha, waqtiga saxda ah ee ku habboon.
Hawlgalada isku-dubaridan ayaa la xiriira dadaalada wadajirka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM ay ku xakameynayaan dhaqdhaqaaqa maleeshiyada Al Shabaab ee ka ag-dhow aagga.
Magaalo xeebeedka Baraawe ayaa ah Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo maamulku uu muddo dheer si ku-meel-gaar ah ugu shaqeynayay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.






