Ciidanka Xoogga Dalka oo baadigoobaya lix nin oo dil lagu xukumay, baxsadna ah
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta Gobolka Shabellaha Hoose ka bilaabay hawlgal gaar ah, oo la doonayo in nolol ama geeri ay ku keenaan lix nin oo Sabtidii ay Maxkamadda Militariga ku xukuntay dil toogasho, iyagoo ka maqan gacanta sharciga.
Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu dilay shan qof, laguna dhaawacay shan kale oo 11-kii bishan la sheegay inay ka gaysteen ceel biyood ku yaala deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn iyo falal kale oo dad safar ahaa lagu dilay, isla-markaana ka dhacay jidgooyo u tiilay Yaaq-bariweyne.
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalkoodan ka bilaabay Yaaq-bariweyne ayaa burburiyay isbaaradii raggan oo maleeshiyo beeleed ah u tiilay deegaankaasi.
Korneyl Cabdullaahi Abuukar Xasan (Shadoor) oo ka tirsan Garsooreyaasha Maxkamadda Militariga iyo saraakiil kale ayaa kormeeray jidgooyada ay ciidamadu qaadeen.
G/dhexe Axmed Xaaji Cabdullaahi (Kamey), Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ah saraakiishii kormeerka ku tegay Yaaq-bariweyne ayaa sheegay in Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Wanlaweyn la faray inay la dagaalamaan maleeshiyaadka ka soo kala jeeda Wanlaweyn iyo Yaaq-bariweyne ee dhigta isbaarooyinka lagu dhibaateeyo shacabka iyo gaadiidleyda.
Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Militariga ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay haystaan waaran ka soo baxay maxkamadda, isla-markaana ay ku soo xiri karaan ragga baxsadka ah.
Raggan la baadigoobayo ayaa lagu kala magacaabaa Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey).
Raggan ayaa lala xukumay xubno kale oo maxkamadeyntoodu ay ka dhacday Degmada Wanlaweyn, laguna helay in ay nolosha ku gubeen Isxaaq Daa’uud Maxamed iyo kuwo kale oo maxkamaddu ay ku heshay in dil wadareed ay bishii October ka gaysteen deegaanka Warta Cismaan oo hoostaga Wanlaweyn.







