Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ka wada xaafadaha Ceelbuur

Wararka laga helayo Magaalada Ceelbuur ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan xaafadaha magaaladaasi.
Ciidamada ayaa xaafadaha ka baadi-goobaya, bal haddii ay jiraan xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab oo ku haray magaaladaaasi.
Ciidamada ayaa sidoo kale xaafadaha iyo waddooyinka magaalada ka wada hawlgal miino baaris ah.
Saraakiisha Ciidanka ayaa miinooyinka ku sheegay hubka ugu weyn, ee ay Shabaabku doonayaan in ay ku dhibaateeyaan ciidamada.
Bulshada reer Ceelbuur ayaa intooda badan isaga barakacay magaalada, baqdin ay ka qabeen awgeed suurtagalnimada in lagu dul dagaalamo.
Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaase sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay qafaasheen dadkii deganaa magaalada.
Gudoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in ay soo samatabixin doonaan shacabka faraha badan ee sida uu yiri ay argagixisada afduubatay.
Gudoomiye Guutaale ayaa dhanka kale ku goodiyay in ay Shabaab ka sifeyn doonaan Ceelbuur iyo dhammaanba deegaanada hoostagga.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.


