Ciidanka Xoogga Dalka oo isku ballaarinaya deegaanada ku teedsan Degmada Galcad
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Gobolka Galgaduud ka sii wada hawlgalada ka dhanka maleeshiyada Al Shabaab, ee ujeedku yahay in lagaga sifeeyo deegaanada Galmudug.
Ciidanka ayaa haatan isku ballaarinaya deegaanada hoostagga Degmada Galcad, iyagoona xaqiijiyay gacan ku haynta deegaanka Ceel Cali Xasan.
Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa miinooyin ka saaray waddada deegaanada uu hawlgalku ka socdo, sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guutada 3aad ee Qaybta 27aad, Ibraahim Yuusuf.
Dhanka kale Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale la wareegay gacan ku haynta deegaanada Geryaale iyo Ceel Juqow ee gobolkaasi.
Hawlgalada ka socda gobolkaasi ayaa waxaa goobaha qaar horkacaya Senator Axmed Maxamed Cali (Afcadey) iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar), oo labaduba ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.








