Ciidanka Xoogga Dalka oo khatarta Al Shabaab ka fogeeyay Degmada Awdheegle

Amni iyo xasillooni buuxda ayay hadda dareemayaan dadka ku dhaqan Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Daarusalaam iyo Mubaarak oo hoostaga degmadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa Isniintii Al Shabaab ka riixay Daarusalaam iyo Mubaarak, iyadoona hadafka hawlgalku uu ahaa in la xoreeyo Mubaarak oo qiyaastii 10km dhanka galbeed uga beegan Degmada Awdheegle. Deegaanka Daarusalaam ayaa ku yaala inta u dhaxeyso Awdheegle iyo Mubaarak, ciidamadana inta ay ka gudbeen Daarusalaam ayay gudaha u galeen Mubaarak.

Militariga Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa 4-tii bishii October dib ula wareegay Degmada Awdheegle, taas oo ay lumiyeen 15-kii bishii March  ee sanadkii hore oo Shabaabku ay dagaal culus ku qabsadeen.

Tani kuma filneyn in dadka reer Awdheegle ay amni buuxda dareemaan, sababtu tahay waxay ogyihiin inta Shabaabku ku sugan yihiin Mubaarak inaanan amni lagu joogi karin degmadaasi.

Mubaarak waa meesha ay Shabaabku mar walbaba ka soo weeraraan Awdheegle, joogitaanka Al Shabaab ee Mubaarak-na waxay khatar weyn ku ahayd amniga degmadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ayaa 6-dii bishii August ee sanadkii 2019 weerar ballaaran kula wareegay Degmada Awdheegle, waxaana Shabaabka illaa sanadkii 2025 u suurtagashay in ay dhowr goor dagaal ku qabsadaan degmadaasi, iyagoo ka soo weeraraya dhinaca Mubaarak.

Cid kasta waxay fahamsaneyd in aan nabad lagu joogi doonin Awdheegle, iyadoo aan Mubaarak la xorayn, waxaana muuqatay in ciidamadu ay muddo dheer ka caga jiidayeen inay taggaan deegaankaasi, tiiyoo ugu dambayn ay toddobaadkii hore soo afjareen.

Ciidamada hawlgalkan fuliyay ayaa weerarka wadajirka ah qaaday, ka dib markii ay soo baxeen weerar sheegaya in Shabaabku ay Mubaarak ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan, ayna u diyaargaroobayaan weerar ay mar kale ku dhuftaan Awdheegle.

Dadka reer Awdheegle ayaa kuu sheegaya in ay hadda dareemayaan nafis, isla-markaana ay jiraan dad cabsi uga maqnaa magaalada oo dib guryahooda ugu soo laabanaya.

Reer Awdheegle ayaa u badan dad beeraley ah, waxayna rajeynayaan in ay beerahooda falan doonaan, kolka uu roobka gu'ga u da'o, maadaama uu guray Webiga Shabelle, kaas oo biyihiisa ay uga faa'iideysan jireen tacabka beeraha.