Ciidanka Xoogga Dalka oo ku wajahan Degmada Buurhakaba

Wararka ka imanaya Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay ka tallaabeen xadka gobolkaasi uu la wadaago Gobolka Baay, isla-markaana ay ku sii jeedaan Degmada Buurhakaba, si ay degmadaasi ugu soo celiyaan gacanta Dowladda Federaalka iyo tan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in hawlgalkan ay hoggaaminayaan unugyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor iyo Danab, oo ka mid ah Ciidanka Gaarka ee Somaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in cutubyo ka tirsan Ciidanka Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka ay qayb ka yihiin hawlgalka.

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Khamiistii dagaal kula wareegay gacan ku haynta Buurhakaba, oo qiyaastii 60km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidamadan ayaa sidoo kale Maamulka Koonfur Galbeed kala wareegay Degmooyinka Berdaale, Diinsoor, Qansaxdheere iyo deegaanada hoostaga Baydhabo.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo habeenkii Axadda Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa sheegay in uu socdo guluf ciidan, oo sida uu sheegay argagixisada dib looga saarayo Degmooyinka Gobolka Baay ee ay qabsadeen.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaad mooddaa in ay Buurhakaba ka dhigeen barta koowaad ee hawlgalka ay ciidamada dib ugu la wareegayaan degmooyinkaasi.

Buurhakaba oo magaalo istiraatiiji ah ayaa saaran jidka weyn ee isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, waxayna door muhiim ah ka qaadataa isu socodka badeecadaha ka yimaada Dekedda Muqdisho ee la geeyo Baydhabo, deegaanada Gobolka Baay iyo gobolada kale ee deriska la ah.