Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaano hoostagga Degmada Galcad

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii la wareegay deegaano hoostagga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay iska caabin xoogan kala kulmeen maleeshiyada Al Shabaab, ka hor intii aanay la wareegin gacan ku haynta deegaanada kala ah Baraag Sheekh Caamir, Cali Heele iyo Cali Axmed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay kaabiga ku hayaan Degmada Galcad, oo ay dib uga soo baxeen daba-yaaqadii bishii January, ka dib weerarkii uu dhigga badani ku daatay ee ay Shabaabku degmadaasi ku qaadeen 20-kii bishaasi.

Ciidamada oo mar degmadan la wareegay 16-kii bishii January ayaa maalmo ka dib weerar qaraxyo ku bilowday kala kulmay maleeshiyada Al Shabaab, taa oo dhabaha u xaartay in ciidamadu ay dib u soo banneeyaan, Shabaabkuna ku soo laabtaan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhawaan ciidan cusub u daabulay xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, si horey loogu sii wado hawlgalada Shabaabka lagaga sifeynayo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Si kastaba ha-ahaatee Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa haatan wada abaabul ciidan, oo ay tahay in ay ku xoreeyaan bariga Gobolka Galgaduud iyo weliba koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo ay Shabaabku kaga sugan yihiin dhulka Galmudug.