Ciidanka Xoogga Dalka oo mar kale isku diyaarinaya hawlgalka Buurhakaba

Wararka laga helayo Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in abaabul xoog leh oo ciidan uu ka socdo Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) oo ku yaala duleedka degmadaasi, si Ciidanka Xoogga Dalka ay u sii wadaan gulufka militari ee lagu qabanayo Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Isniintii ku sii jeeda Degmada Buurhakaba ayaa weerar dhabagal ah kala kulmay maleeshiyada Al Shabaab, mar ay marayeen tuulada Qardho oo hoostagta deegaanka Jameeco, iyadoo weerarkan uu caqabad ku noqday gulufkii militariga ee ku wajahnaa degmadaasi, si ay uga saaraan ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee 15-kii bishan la wareegay gacan ku haynta Buurhakaba.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay dib ugu soo laabteen dhinaca Leego ee Degmada Wanlaweyn, goobihii lagu dagaalamayna ay weli ku sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

"Maalin dhaweyd dagaalkii ka dhacay nawaaxiga deegaanka Jameeco, dib-u-dhac ayaa ku yimid Hawlgalka Banooda ee wejigiisa koowaad lagu xoreynayay Degmada Buurhakaba. Hadda waxaa socda abaabul xooggan oo la rabo in lagu tago Buurhakaba, ka dibna degmooyinka kale ee Gobolka Baay." Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Universaltv la hadlay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Saraakiil kale ayaa Arbacadii ciidamada ku booqday aagga deegaanka Leego, si loo dardargeliyo hawlgalka.

"Waxaan ka shaqayno waa inaan dhimano ama kuwa dadka leynayo aan dilno oo aan ummadda ka qabano." Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka oo wacad ku maray in uu sii socon doono dagaalka lagu la jiro kooxaha argagixisada.

Hawlgalka la doonayo in dib loogu la wareego Buurhakaba ayaa jiitami kara, sababo ku aaddan miinooyin fara-badan oo la aaminsan yahay inay Al Shabaab ku aastay waddada laamiga ee isku xirta Wanlaweyn iyo Buurhakaba.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jug kala kulmay dagaalka Isniintii ka dhacay agagaarka Jameeco, iyadoona la xaqiijiyay in askarta ku dhimatay dagaalkaasi ama ku dhaawacmay ay u badan yihiin kuwo ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxyadii ay Shabaabku u adeegsadeen weerarka jidgalka, taasi oo keeneysa in la hubiyo amniga waddada, iyadoo la ilaalinayo badbaadada askarta amaba mudnaanta koowaad la siinayo badqabkooda.