Ciidanka Xoogga Dalka oo u dhaqaaqay deegaanka Bacaadweyne

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay saaka cagta saareen waddada aadda deegaanka Bacaadweyne ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa ka qalab qaatay deegaanka Laas-gacamey oo 14km u jirta deegaankaasi, oo muddooyinkii ugu dambeysay ay maleeshiyada Al Shabaab ka arriminayeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay si feejignaan leh ugu safrayaan waddada xiriirisa Laas-gacamey iyo Bacaadweyne, oo la soo sheegayo in Shabaabku ay miinooyin ku aaseen.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Jimcihii sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay maalmaha soo socda maqli doonaan guulo waaweyn oo laga saaray dagaalka Al Shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Arbacadii gobolkaasi u tegay dardargelinta hawlgalka militari ee qorshuhu yahay in xididada loogu siibo Shabaabka.

Ka dib in ka badan toban sano oo Shabaabku ka hawlgalayeen qaybo ka mida gobolkaasi, culeyskii ugu weynaa ayay haatan kala kulmayaan ciidamada.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo isku dayaya in ay fashiliyaan gulufka ballaaran ee kaga furan deegaanada Galmudug, balse masuuliyiinta ayaa sheegaya inaanu hawlgalku istaagi doonin, illaa iyo inta kooxaha argagixisada laga sifeynayo Gobolada Dhexe.