Cumar Cartan oo laga saaray Liiska Garsooreyaasha FIFA 2026

Cumar Cartan oo lagu waday inuu noqdo qofkii ugu horreyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda ciyaar ka tirsan Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA 2026 ayaa laga saaray Liiska Garsooreyaasha FIFA, ka gadaal markii loo diiday inuu galo dalkaasi Mareykanka.
Cumar Cartan oo noqday Garsooraha Afrika ee 2025 ayaa Sabtidii ka degay Garoonka Diyaaradaha Miami ee Gobolka Florida, isagoo wata fiisaha saxda ah ee dal ku galka Mareykanka, waxaase is hortaagay Saraakiisha Waaxda Amniga Gudaha ee DHS, kuwaas oo u sheegay inaanu dalka geli karin, iyagoona dib ugu celiyay Turkiga.
FIFA ayaa waxay sheegtay in Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan uu ka maqnaan doono Koobka Adduunka, sababo ku aaddan diidmada dalka martida loo yahay ee inuu galo dalkaasi.
"FIFA kuma lug laha hababka socdaalka ee dalka martida loo yahay, oo ay ku jiraan go'aan ka gaarista fiisaha, waxaana ay ku soo wargeliyeen masuuliyiinta in Mr. Cartan xaaladiisa aan waxba laga bedeli doonin hadda." Ayay FIFA ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay.
Somaliya ayaa waxay ku jirtaa liiska dalal uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dadkooda ka mamnuucay inay yimaadaan Mareykanka.
Tallaabada uu Mareykanka ugu diiday Cartan inuu gudaha u galo dalkaasi ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xayiraadaha socdaalka Washington iyo saamaynta ay ku yeelan karaan tartanka.
Cartan ayaa lagu waday inuu noqdo garsoorihii ugu horreyay ee Soomaaliyeed ee dhexdhexaadiya Finalka Koobka Adduunka.
Ciyaarta finalka ayaa 19-ka bisha July lagu qaban doonnaa Garoonka Kubadda Cagta MetLife ee dalkaasi Mareykanka, waana sababta ay u saameynayso Garsoore Cartan xayiraadda Washington.
Cartan ayaa ka mid ahaa 52 Garsoore oo FIFA ay ku dhawaaqday inay dhexdhexaadin doonaan muddada ay ciyaaruhu ka socdaan Canada, Mexico iyo Mareykanka.
Tartanka ayaa 11-ka bishan oo Khamiista ku beegan ka furmaya Mexico, waxaana ciyaarta ugu dambeysa lagu soo geba-gabeen doonnaa Mareykanka.


