Dad rayid ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, laba iyo toban kalena way ku dhaawacmeen, ka dib qarax maanta ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa haleelay gaari dad rakaab ah siday, oo ka ambabaxay Magaalada Marka, kuna sii jeeday Degmada Qoryooley.

Gaarigan oo noociisu uu ahaa Caasi ayuu qaraxan ku haleelay, mar uu marayay aagga beeraha Abiikarow, oo ku yaala inta u dhaxeyso Shalambood iyo Kabtan-laas.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa xaqiijiyay in dadka gaariga la socday ay dhammaantood dad shacab ahi ahaayeen.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah darawalkii gaariga waday, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Shariif Cismaan (Cafiif).

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse maleeshiyada Al Shabaab ayaa inta badan sheegta qaraxyada ciidamada lagu la eegto gobolkaasi.