Dadka reer Galmudug oo deeq gaarsiiyay bulshada Gobolka Hiiraan

Dadka reer Galmudug ayaa bilaabay inay deeq gaarsiiyaan bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan, iyadoo laga jawaabayo xaaladda ka jirta bariga gobolkaasi, ka dib markii Shabaabku ay bilaabeen inay isku soo fidiyaan.

Mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Galgaduud ayaa deeq isugu jirta xoolo nool, lacag iyo raashiin ku wareejisay Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, si loogu dardargeliyo dagaalka ay dadka gobolkaasi kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

Odayaal ka yimid Magaalada Guriceel ayaa maanta 200 oo neef oo ari ah, 10 geela, lacag dhan konton kun oo dollar iyo laba gaari oo raashiin ah Degmada Maxaas ku guddoonsiiyay odayaasha reer Hiiraan.

Qayb ka mid ah deeqdan ayaa waxaa bixiyay ganacsade Cabdinaasir Xaashi Garuun, isagoo u wakiishay inay wareejiyaan odayaashii ka yimid dhinaca Guriceel. Ganacsadaha oo Jimcihii gaaray Maxaas ayaa goobjoog ka ahaa goobta ay wareejintu ka dhacday.

Deeqdan ayaa ah mid loogu talagalay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee gobolka kula dagaalamaya Al Shabaab.

Sidoo kale ciidamo watay illaa labaatan baabuur oo nooca dagaalka ah, kana yimid dhanka Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Maxaas, si ay u xoojiyaan difaaca Maxaas iyo inay ciidamadii horey gobolka ugu sugnaa ka gacan siiyaan xoreynta Degmada Moqokori.

Ka dib markii Shabaabku ay Isniintii la wareegeen gacan ku haynta Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay taasi dareen ku dhalisay dadka reer Hiiraan, kuwa Galgaduud-na waa la mid, sababtu tahay Shabaabka oo u socda in ay Moqokori uga soo gudbaan Maxaas, si ay u gaaraan Dac, Wabxo iyo Ceelbuur oo Galgaduud ah.

Ujeedada ay Shabaabku ugu rogaalcelinayaan bariga Gobolka Hiiraan ayaa ah in kuwooda ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe ay ku xirmaan kuwooda kale ee ku sugan bariga Gobolka Galgaduud, si ay u helaan marin ay isaga kala gudbi karaan saddexda gobol amaba Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.